Nothing Special   »   [go: up one dir, main page]

Jump to content

Maahmaah

Ka Wikipedia
Maahmaah
Labaaleey
Sadaxleey
Afareey
Shanleey
Lixleey
Todobaaleey
Sideedleey

Maahmaahdu waa hadal murtiyeed.

Micno

Maahmaahdu waa hadal murtiyeed inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay Kadibna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa.

Caanbaxay

Maahmaahooyinka caan baxay waxaa ka mid ah maahmaah koobtay dhamaan Banii'aadamka da'diisa taasoo leh sidan:

  • Toban Jir hala kaftamin:(Ileyn haddii ka kaftan badisid waxaa lagu leeyahay ninka weyn ee caruurta la caytamaayo, haddii uu kaa kaftan badshane waa laguugu qoslaa labada marba adaa sidaa ku dhi siil iyo gusSababtoo ah labaatan jir markuu yahay qofka ayuu xoog biloow yahay mana daalaayo).
  • Sodon jir sariirtiisa lama seexdo(Ileyn meel kasto oo jiro waa ka imaanaa).
  • 40 jir ....
  • 50 jir lalama gartamo(da'diisa weyn iyo khibrada oo u leeyahay garta ayuu kuugu dilaa).
  • 60 jir iyo lex jeclo(da'daa markuu gaaro ayuu insaanka ugu wax jecelyahay duunyo iyo dadba).
  • 70 jir sariir lala ma wadaago(Ileyn ma seexanaayo xaago iyo qufac ayaadan ka joogi karine).by Amke boorama

Dhamaan

Halkan waxaa kuso koobeenaa badanaa maahmaahyada la isticmaalo

A

  • Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
  • Adduun Joog, Adduun.com Ku Jir
  • Aan wada hadalno waa aan heshiinno.
  • Aar qoyey dawaco la mood.
  • Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
  • Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
  • Abeesada tan shanqarta iyo tan aamusan, tan aamusan baa la qaatay.
  • Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
  • Abkeey doolli diloow, dad nool maas u dahaa.
  • Aboorku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
  • Abuur iyo waano, abuur baa horreysey.
  • adeeg (wax u dirasho)diid biyahoo kaa laayaa
  • Adduun i khatal.
  • Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
  • Ari been wuu didaa beense ma dhutiyo.
  • Ari jiri ma kala abaal waydo.
  • Ari jiri xil bay wadaagtaa.
  • Ari magantii ma barriiyo.
  • Ari shidho laga daayo.
  • Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
  • Adduun wey kii amoodeey ogaaw.
  • Adduun xamar ka joog aakhirana janno
  • Addin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
  • Af aamusani marti ma sedo.
  • Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
  • Af aanad lahayn lama qabto.
  • Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha kuu daaqdo.
  • Af Daboolan Dahab .
  • Af hadlaaba aamus.
  • Af jabtay sideedii ma noqoto.
  • Af jooga looma adeego.
  • Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
  • Af nooli waa hadlaa Eeyna waa ciyaa.
  • Af waa kane, may lagi aami.
  • Af wax cunay xishoo.
  • Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
  • Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan.
  • Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
  • Af-ka nool abooto mudac.
  • Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
  • Afkii dab yiri ma guban.
  • Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
  • Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
  • Agoon nimaan wax u tarreyn ayaa madaxa u salaaxa.
  • Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
  • Alla aamin ma iisho.
  • Alle watow wehel uma baahna.
  • Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
  • Allow aqoon xumo hanagu cadaabin eexna hanooga tagin.
  • Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
  • Ama waa la muuqdaa ama waa la maqnaadaa.
  • Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
  • Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.

Ama marqaan ama marxuum ama mariino meel ka aal(isbitaalka mariino sariir ka jiif)

  • aqoon la'aan waa iftiin la'aan
  • aqool xumo irmaan guran weey ka daran tahay
  • Arrad waa dan, uskagse waa doqonimo.
  • Arrin aan sidii futo riyaad haddaan la feydin, ma fayoobaato.
  • Atoorku intiisuu guun ku yahay.
  • Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
  • Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
  • Awrba awrka ka horreeya ayuu saan qaadkiisa leeyahay.
  • Ayax teg eedna reeb

B

  • Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
  • Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
  • Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado.
  • Baqal fardo la miratay, fardihii bay is moodaa.
  • Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
  • bartii yaqaan bar uma kororto
  • Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
  • Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay.
  • Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
  • Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso.
  • Bilowgii Yehowah jidkiisa Iyo shuqulladiisii hore ka hor.
  • Bisayl iyo ceeriin waxa u dhexeeya waa yac-yacood.
  • Biyo ay horotooda dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
  • Biyo gorore meel godan bay isugu tageen.
  • Biyo meel godan bay isugu tagaan.
  • biyo ninki keenay cabaayo meel ma gaaraan
  • Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
  • Biyo socdaa biyo fadhiyeey kiciyaan.
  • Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aan ah baa ka xun.
  • Booraan hadimo ha qodin, hadaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontaa mooyee.
  • Buubaal biyaha korkiisa saaran buu ka didaa.
  • Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa.
  • Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame.

C

  • Cadawgaa looma taahee, tunka u adkay.
  • Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa (loo kalaqadaa).
  • Carrab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan'.
  • Carrab lo'aad caws looma tilmaamo.
  • Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh.
  • Ceeb looma dhinto, caro lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo.
  • Ceebtaada oo ay kow ogtahay, kun looma sheego.
  • Ceesaan ninkii weydiinteeda kugu dhibaa wadisteedaa lagu dhibaa.
  • Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kula talisase wax yar.
  • Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan.
  • Cimrigaaga dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa.

D

  • Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
  • Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
  • Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.
  • Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta.
  • Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa.
  • Dameeraha Adari ninkii ooda ka rogaa aroorsha.
  • Dameeri isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa.
  • Dani waa seeto.
  • Dantaada derin karkareysana waa loogu seexdaa.
  • Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
  • Dantaada maqaar eybaa loogu seexdaa.
  • Dantii mooge maro duug horteeduu dhamaadaa.
  • Dantu ceeba ma lahee dadka uun baysku nacaqya.
  • Daanyeer haddiis Geed ka Soo dhici waayo laaziman laan (geed) Aas heestaa
  • Deriskii dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa.
  • dhar aadan laheeyn dhaxan kaama celiyo
  • Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa.
  • Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer.
  • Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid.
  • dheel dheel ilmo laguma dhalo ee dharkaa loo dhigtaa
  • Dheerow iyo gaabow ayaa jiree, dhuubow ma jaro.
  • Dheriga karkaa waxaa ka keena, kulayl waaye.
  • Dhidar xabaallo qoda, qudhun buu uga dhacaa.
  • Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa.
  • Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa.
  • Digaagad hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso.
  • Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa.
  • Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
  • Doqontu xeerna ma hooyso, xoolana ma hooyso.
  • Duqon hadii korkiisa qoyo dadka dhan inoo qoyay mood
  • Duqsi caanuhuu ku dabaal bartaa, fuud kuuse ku gubtaa.
  • Duqsi dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
  • duke nasiiboo ganuun cano ku helo waa leeyahay nasiib uu ku cabo maleh
  • Dukulush(dabagaale) timir gaari waayey , qaraar waaye uu dhahaa.
  • Dumar been waa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.

E

  • Eray nimaan dhaafin oday ma dhalin.
  • Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
  • Eyddin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
  • Ey laf diiday waa bukaa.

F

  • Faanoole fari kama qodna.
  • Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do.
  • Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo.
  • Far bugtaa, Faraha kale ka dheer.
  • Far keliya Fool ma dhaqdo.
  • Faras aanad lahayni, futadaaduu wax yeelaa.
  • Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa.
  • Faruurow maxaa berbera ku geeyey? faduul, Faduushii ku keentay hakaa saarto.

G

  • Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
  • Gacantii aadan goyn karin, waa la shumiyaa?
  • Gadal gadaal geed looma koro.
  • Geel-jire isagooy ushu u go'antahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
  • Geel soddon qaday, saddex cisho kuma dari waayo.
  • Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel.
  • Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa.
  • Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa.
  • geeridi galbeed laga sheego gundahaaga ka eeg
  • Gar iyo geeso lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
  • gar jilcan geeriyaa hoostaalo
  • God hadimo ha qodin, haddaad qodidna ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid.
  • goos dhargay mashaariyo ma karo
  • Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
  • Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
  • Gurbaan( durbaan ) Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
  • Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho.

H

  • habar fadhido lagdan la fudud.
  • Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay . . . wuxuu u dhashay dhibaato.
  • Hadal intuu uurkaga ku jiruu ammaano yahay.
  • Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
  • Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
  • Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday.
  • Hadal waa mergi hadba meel u jiidma.
  • Hadal yar iyo hawl badan.
  • Haddaad hungurootto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo.
  • Haddaba isku day inaad is dejisid waayo “kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan.”
  • Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan.
  • Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
  • Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo.
  • Hal libaax arkaysaa ma godlato.
  • Hangaraarac lug uma dhutiyo.
  • Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh.
  • Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
  • Hubsiimo hal baa la siistaa.
  • Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa.
  • Hunguri weyni kuunto ( Dabo ) weyni baa laga qaadaa.
  • Hunguri weyni, Malaay(kalluun)Saab ugu dhacay.
  • Hunnu hunnu hadal ma´aha, himbiriirsi arag ma aha.
  • Hadal intuu Afkaaga ku jiruu Amaanadaada yahay.
  • Hawl kasta faaʼiidaa ku jirta, laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.

I

  • Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
  • ilmo gaadmo lagu dhalay iyo reer gaadmo ku nool isma gaadi karaan
  • Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
  • Inta Jiillaal loo adkaysto, jir ( dayday ,mooryaan ) looma adkeysto.
  • Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay.
  • Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa.
  • Is-hoosaysii, oo deriskaaga bari. Indhahaaga hurdo ha isugu keenin.

J

  • Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa

K

  • Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
  • Kab xume ma hadho ee kabe laawaa hadha.
  • Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba.
  • Kibir waa lagu kufaa.
  • Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
  • Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.
  • Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin, waa u nacasnimo iyo ceeb.
  • kor waayeel waa wada indho
  • Kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho.
  • Kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan, oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan. Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka.”
  • Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo.

L

  • La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan.
  • Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg.
  • Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.
  • laf dhuux leh iyo dhagax leeysku helo
  • Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
  • Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno.
  • Libaax lab god lagama kiciyo.
  • Libaax nimaan aqoonbaa lax ka rita.
  • Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday.
  • Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaa.
  • Luuq luuq marow laasim laamigaas kusoo dhacaa.

M

  • Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako.
  • Maalinkii intay ishaada gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaada gaadho.
  • Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro.
  • Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay.
  • Maroodi meeshoo ka guuraayo waa geeda gooyaa
  • Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto.
  • Mas iyo digaagad daris ma naqon karaan.
  • Meelaad madaxeeda tahay, manjo lama noqdo.
  • Meeshaad ku qubaysataa lagu qalalsadaa.
  • Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo (looma daadsho).
  • Minjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa ama la'qadaa.
  • minankeeyga iiga bax iyo madaxeeyda isii meel loo dhaafo maleh
  • Mira daray duuduubkaa lagu liqaa.
  • misbaax minankaada u baahan yahay minan dadoow lama geeyo
  • Mukulaal( bisad )minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay.
  • Mulac, dilistiis isaga waw qudh gooyo, carruurtana waw ciyaar.

N

  • Naag nin ay taqaano nin ma mooddo
  • Naag godan dhalatay ama gaajo la godnayd ama cudur.
  • Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada.
  • Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan.
  • Naagtaadii aad dhallinyaranimadaadii ku guursatay ku faraxsanow.
  • Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan.
  • Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa.
  • naagti ninkeeda diido nin kale ay hoosta ki wadaa
  • Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, haddii kale banaankaa laga joogaa).
  • Nimaad dhashay kuma dhalin.
  • Nimaad fadhiga kaga adagtahay looma sara kaco.
  • Nimaad kabahiisa tolayso, baa kafantaada tolaya.
  • Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa.
  • Nimaan dhididin ma dhergo .
  • Nimaan dhul marin dhaayo la'.
  • Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.
  • Nimaan shaqeysan shaah waa ka xaaraan.
  • Nimay meeli buktaa isagay balbashaa.
  • nimaan waxa soo socdo garan waxa joogo ma garto
  • Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya.
  • Nin aan hadlin habartiisba qadisay.
  • Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato.
  • nin hal il qabo indho la aan kaaga dhaw nin hal naag qabana naag la aan kaaga dhaw
  • nin walbo intoo cuno ayuu ciidamiyaa
  • ninaa taqaano yaa tahay lama dhaho
  • nina shaarkaa ku yaraaday nina shaahoo shuban waayey
  • ninkii dhoof ki yimidbeey geeridu dhibaysaa
  • nin ku siray wax kuu sheeg
  • Nin daad qaaday xunbo cuskey.
  • Nin dameero rartaa dad la talo ma aha.
  • Nin dhintay kabihiisaa dhaama.
  • Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay.
  • Nin duulay dantii kaa og.
  • Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
  • Nin iyo naag is qaba colna ma nabadna ma aha.
  • Nin jiifa lama legdo.
  • Nin Jiirow (magac) walaalkii yahay, joog-joog ifka ah iyo jiif-jiif aakhiro midna looma soo rogin.
  • ninkaa tiisa ugu bogto ayaa tu kale loogu daraa
  • Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo.
  • Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
  • Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid.
  • Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday.
  • ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa
  • Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed.
  • Nin wayn tag lama yidhaahe wuxuu ku tagaa la tusaa.
  • Nin weyni wedkii waa yaqaan.
  • Nin Xamar jooga oon baabuur lahayn waa nin Nugaal jooga oon hal lahayn.
  • nin shantaada kaa reebin sharci kaama reebo
  • Nin xil qaaday eed qaad.
  • Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii.
  • Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa.
  • Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, in dabinnada dhimashada laga leexdo.
  • Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer.
  • Ninkii geed fuulay ( geed koray) asigi lee kasoo degi.
  • ninkii hal ka maqan tahay haanoo gacanta galiyaa
  • Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada.
  • Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara.
  • Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka.
  • Ninna caadil ma baajo, bahalna ceedhin ma daayo.

Q

  • Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, oo waxgarashadaadana ha isku hallayn. Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
  • Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.
  • Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo.
  • Qooq ma jabee ninkiisaa jabo.
  • Qufac iyo uur midna ma qarsoomo... ama Qufac iyo jaceyl midna ma qarsoomo.
  • Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga.
  • Qalbigu laba ruux mawada qaado.
  • Qawl nin weyn kadhacay waa qofol geed kadhacdey.
  • Qof nool oo ku hor taagan lagama quusto.
  • Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira.
  • Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa.
  • Qosol badani qoonsimaad noqoy.
  • Qosol aan la isla qabin waa qaraaba goys.
  • Qufac iyo uur midna maqarsoomo.
  • Qunyar socde qodaxi mamudo.
  • Quud aan jirin qoryo looma gurto

R

  • Rag saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
  • Raad arooryo dib looma raaco.
  • Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha.
  • Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi.
  • Rag waa shaah dumarna waa sheeko.
  • Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa.
  • Runi rag kama nixiso.
  • run iyo ilkaba waa la cadeeyaa

S

  • Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lex jeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.
  • Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe.
  • Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee.
  • Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.
  • Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.
  • Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.
  • Samraa, sammo hela, ama Samraa sed helo.
  • Shiikh markiis yimaado, shariifku, shubaakaduu(daaqaduu) ka baxaa.
  • shimbirki duulduul badan madax shabeel ayuu ku dagaa
  • Shir naagood oo shan dhaafay waa shar.
  • Sir naagood lagama sal gaar.o
  • Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa

T

  • talo adigaa ku noole iyada kuguma noola
  • tiisa daryeelaa tu kale ku daro
  • timirtii hore ayaaba dab loo waayey
  • Tolkaa maw talisay, mase tuugtay.
  • Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xog weynaado.
  • Tuug la qabtay talo ma laha.

U

  • Ul jiiftaa ma jabto.
  • Umili ilawshiinyo dhaw.
  • Usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa.
  • Ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa.
  • Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho.

W

  • Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno.
  • Waari mayside war hakaa haro.
  • Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa.
  • Wadar iyo waaxid yaa waalan ( marba kii qaldan! ).
  • Wadiiqada yari wadiiqada weyn bay kugu ridaa.
  • Markaas qof baa i tusay aayaddan: ‘Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin . . . Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad.’
  • Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan.
  • Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa.
  • Waraabe ulna lala gaari waa, orodna wax lagaga dhibi waa.
  • Wax aad baratay waa baaskaa.
  • Wax garad wax looma sheego.
  • Wax la qarshaa ama qurma ama qubte.
  • Wax rag kaa galay rako kaa gal.
  • Waxaan calaf ahayna lama cuno.
  • waxaan ku hureeyn horayaa loo qabtaa
  • Wax aanad filaneyn iyo fallaari waa kaa fuc siiyaan ( fajaciyaan).
  • Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa.
  • Wixii lagu faqaa faruuruhuu yimaadaa.
  • Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

X

  • Xargo geel ma wada xiraan.?? Xadhko geel ma wada xidhaan.
  • Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.
  • Xarago dumar xanuun ma leh.
  • Xiiso iyo xoorba way dhacaan.
  • Xog mooge xaajo waa dilaa
  • Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa.
  • Xoolo quureed waa la qaataa, soor quureedse lama qaato.
  • Xoorkii laga dhamay xagaagii hore iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa.
  • Xornimo adaa ku noole,iyada kuguma noola.
  • ri wii qufacdaa laakiin ma xaakooto