Guuroow
Appearance
- GUUROW
Waa maxay Guurowgu?
Guurow:- guurowgu waa gabay ama godka gabayga ayuu soo galayaa. Meeriska iyo habdhacaba way isku dhawyihiin, laakiin sida loogu luuqeeyo ayuu kaga duwanyahay gabayga. Waxana inta badan laga isticmaalaa koonfurta soomaaliya.
Tusaale: ( Shamso Cali Macallin )
Soomaaliyay toos su’aashayda dhegansada
Sarbeebtiyo tusaalaha waa inaad la socotiin
Sokeeyiyo xigaaliyo wiil iyo seediyaa nahay
Sodoh iyo igaarkeed
Soomaaliyoo idil kala soocmimaysee xarig soohanaa nahay
Sidii hore si dhaanteey umaddaan sugaysee horta ma u samaynaa
Sacabkoo la tuma iyo ayidaa saxiixee qalin ma isa saarnaa
Soomliyeey toos hawsha saas halagu wadeey…